Mudada Uu Dani Carvajal Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

Mudada Uu Dani Carvajal Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.


Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ka soo saartay xaalada dhaawac ee xiddiga Dani Carvajal kaas oo ku dhaawacmay kulankii Valencia ee Axadii.

Xiddiga Carvajal ayaa kaliya 26 daqiiqo ciyaaray kulanka ka hor intii uuna dhaawac muruqa lugta lagana saarin ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda sheegin mudada uu Dani Carvaja ka maqnaan doono garoomada kadib markii uu dhaawacu soo gaadhay.

Laakiin Idaacada Cadena Cope ayaa sheegtay in uu Carvajal garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah kadib dhaawaca soo gaadhay.

Sidaas darteed xiddiga ayaa kooxdiisa ka maqnaan doono 5 kulan oo kala ah Valadolid, Real Sociedad, Atletico Madrid, Elche iyo Celta Vigo.

Dhanka kale xiddiga ayaa seegi doona labada kulan ee champions league ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Atalanta.


Source: laacibfm.com

SHARE