Shaxda Isku Dhafka Ah Ee PSG Vs Barcelona Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Champions League.


Waxa todobaadkan gaar ahaan Salaasada dib u bilaaban doona tartanka champions League oo la marayo wareega 16-ka tartanka xilli ciyaareedkan.

Kulan si weyn loo sugayo ayay isaga hor iman doonaan kooxaha PSG iyo Barcelona kulan xiiso iyo xamaasad gaar ah u leh taageerayaasha kubada cagta.

Labada kooxood ayaa isha ku haya sidii ay u gaadhi lahaayeen guul isagan xaadirin lahaayeen wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo ka mid ah kuwa ugu fiican qaarada yurub kuwaas oo isaga hor iman doona kulanka adag salaasada.

Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo isticmaalay kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 halka ay kooxda PSG ku leedahay 5 xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE