Sidee Ayuu Noqonayaa Mustaqbalka Klopp Ee Liverpool Haddii Aysan Champion-ka U Soo Bixin Xilli Ciyaareedkaan?

Sidee Ayuu Noqonayaa Mustaqbalka Klopp Ee Liverpool Haddii Aysan Champion-ka U Soo Bixin Xilli Ciyaareedkaan?


Warbaahinta Ingiriiska ayaa diiradda saareysa sida uu noqon karo mustaqbalka tababare Klopp ee Liverpool haddii ay  sii socdaan natiijooyinka liita ee kooxdaas.

Liverpool ayaa hataan ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka iyaga oo leh 40 dhibic ka dib 24 kulan oo laga ciyaaray horyaalka Ingiriiska .

Liverpool ayaan guuleysan sedexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxa ayna taasi keentay in loo baqo xaaladda Liverpool ee ka qeyb galka Champion-ka xilli ciyaareedka dambe .

Sida  Bogga Goal uu ka soo xiganayo ilo wareedyo ku dhaw maamulka kooxdaas , mustaqbalka Klopp ee Liverpool wax halis ah kuma jiro xittaa haddii aysan u soo bixin Champion-ka

” Maamulka Liverpool waxa ay arintaas u arkayaan nasiib xumo mooyee waliba waa ay dareensan yihiin daruufaha kooxda ee xilli ciyaareedkaan” ayaa lagu  yiri ilo wareedyo maamulka laga soo xigtay

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Klopp uu taageero wacan ka haysto maamulka kooxdaas waliba ay qiimeynayaan halka Liveprool uu ka soo qaaday illaa uu horyaalka oo 30 sano ka maqnaa u gacan giliyay

Klop ayaa kooxdaas illaa haatan la qaaday , Chamopion-ka , horyaalka , koobka naadiyada caalamka iyo UEFA Super Cup, waxa uuna hishiiskiisa Anfiled uu dhacayaa xagagaa 2024-ka


Source: laacibfm.com

SHARE