Supercomputer Oo Sameeyay Saadaalin Cusub Oo Sida Uu Horyaalka Premier League Ku Dhamaan Doono Xilli Ciyaareedkan.


Supercomputer ayaa lagu sameeyay saadaashii ugu dambaysay ee sida uu ku dhamaan doono xilli ciyaareedka 2020/2021 ee horyaalka Premier League.

Supercomputer ayaa kooxda Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay sii wado qaab ciyaareedkooda cajiibka ah.

Sidoo kale kooxda Man United ayuu u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League halka uu Liverpool iyo Leicester City u saadaaliyay kaalmaha 3-aad iyo 4-aad.

Sidoo kale kooxda chelsea ayuu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League halka uu kooxda Tottenham u saadaaliyay kaalinta 7-aad.

Kooxda Arsenal ayuu dhankooda u saadaaliyay kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE