Arsena Oo Qorshe La Yaab Leh U Dajisay David Luiz, Maxay Damacsanyihiin.


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca  David Luiz u soo bandhigtay in uu ka qayb noqdo shaqaalaha tababarka Mikel Arteta sidoo kale ogolaado in uuna kulamo badna u ciyaarin kooxda hadii uu doonayo heshiis cusub.

Heshiiska David Luiz ee kooxda Arsenal ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda ayaana doonaysa in ay sii haysato xiddiga ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.

Arsenal ayaa xiddiga u sheegtay in uu ogolaado in uuna daqiiqado badan u ciyaarin kooxda si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Heshiiska cusub ee xiddiga ayaa sidoo kale David Luiz ka dhigaya xiddig iyo tababare ka mid ah shaqaalaha Mikel Arteta.

Xiddiga oo 34 jir noqon doona bisha April ayaa xor noqon doona dhamadka xilli ciyaareedkan.

Waxana ay arintaas la macno tahay in uu si xor ah uga tagi karo kooxda hadii uu doonayo arintaas.


Source: laacibfm.com

SHARE