Daafaca Marseille Ee Duje Caleta-Car Oo Ka Hadlay Fashilkii Uu Maalintii Ugu Dambaysay Ee Suuqa January Ku Fashilmay Ku Biirista Liverpool.

Daafaca Marseille Ee Duje Caleta-Car Oo Ka Hadlay Fashilkii Uu Maalintii Ugu Dambaysay Ee Suuqa January Ku Fashilmay Ku Biirista Liverpool.


Daafaca kooxda Marseille Ee Duje Caleta-Car ayaa sheegay in ay sharaf u ahayd in uu dalab ka helay kooxda Liverpool suuqii January.

Jurgen Klopp ayaa si aad ah u doonayay daafac cusubsaacadihii ugu dambeeyay ee suuqii January kadib markii ay dhaawacyo ku habsadeen kooxdiisa.

Liverpool ayaa ku dhawaatay in ay la saxiixato daafaca kooxda Marseille Ee Duje Caleta-Car kaas oo xitaa yimid madaarka si uu ugu soo duulo Liverpool.

Laakiin kooxda Marseille ayaa joojisay ku biirista daafaca Duje Caleta-Car ee kooxda Liverpool kadib markii ay badalkiisa wayday.

Daafaca Duje Caleta-Car ayaa wax laga waydiiyay ku dhawaanshihii uu ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool waxana uu yidhi”Waxa ay noqon lahayd talaabo aan horay u qaaday”.

“Kulanka champions League ee Liverpool waan daawan doonaa”.

“Waxa aan Liverpool ka helay dalab waxana ay ii ahayd sharaf in aan ogaado in ay koox sidaas u weyn i doonayso”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE