FALANQAYN: Falanqaynta Kulamada Wareega 16-ka Champions league Ee Bilaaban Doona Caawa.


Waxa maanta dib u bilaaban doona wareega 16-ka ama bug baxa champions league iyada oo kooxaha ugu fiican reer yurub fooda is dari doonaan.

Waxa uuna shaki ku jirin in ay kooxaha waaweyn qaarkood ku aadeen kooxo adag sida kulanka PSG iyo Atletico Madrid iyo chelsea iyo Ateltico Madrid.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa falanqaynta kulamada isku aadka wareega 16-ka ee champions league .


Borussia Monchengladbach Vs Man City:

Marka la eego magac ahaan kooxda Man City ayaa shaki la’aan ku aaday kulan yar marka loo eego in ayna labada kooxood isku tayo ahayn.

Laakiin marka la eego qaab ciyaareedka labada kooxood Borussia Monchengladbach ayaa haysata fursad fiican hadii ay adeegsato ka faa’iidaysiga khaladaadka Man City marka ay hesho.

Marka aan eegno taariikhda labada kooxood waxa ay kooxda Pep Guardiola ugu cad-cadahay in ay iska xaadiriso Wareega 8 dhamaadka champion League.


Lazio Vs Bayern Munich:

Hadii ay dhacdo lama filaan oo ay Lazio iska xaadiriso wareega xiga waxa ay nqon doontaa la yaabka qarnigan sababta oo ah ma filayno wax lama filaan marka loo eego awooda labada kooxood.

Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu awooda badan dhanka weerarka haatan halka ay sidoo kale tahay kox difaac leh sidaas darteed waxa ay Bayern u badantahay in ay iska xaadiriso wareega xiga.


Atletico Madrid Vs Chelsea:

Kulankan ayaa ah mid adag iyada oo ay labada kooxood ku jiraan wakhti fiican sidoo kale halka taariikhda kulan ahaana yihiin kuwo isku dhaw.

Labada kooxood ayaa haysta daafacyo fiican iyo goolhayayaasha fiican waxana uu noqon doonaa kulan si weyn loo sugayo ishana loogu hayo.

Laakiin khibrada Atletico Madrid gaar ahaan khibrada Diego Simeone uu kaga fiican yahay taababare Frank Lampard.


Leipzig Vs Liverpool:

Kooxda Leipzig ayaa ahayd kooxda 3-aad ee ugu adkayd ee ay Liverpool wajihi kartay kadib Barcelona iyo Atletico Madrid laakiin kulanka ayaan noqon doonin mid u fudud Liverpool.

Waxyaabaha ay RB Leipzig kaga badin karto Liverpool ayaa ah dhanka khaladaadka iyada oo Reds ku dhibaatoonayso daafaca maadama ay xiddigo badan dhaawac kaga maqan yihiin.

Laakiin Liverpool ayaa ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka sababa la xidhiidha in ay ku damabyn doonto garoonkeeda Anfield kaas oo garoon adag ku ah kooxah booqda.


Porto Vs Juventus:

Isku aadka ayaa u naxariistay Juventus waxana ay ku aadiyeen kulan ay haatanba iska cadahay in ay u soo bixi doonto wareega 8 dhamaadka champions League.

Shaki la’aan Porto waa koox fiican waliba awoodi karta in ay lama filaan qarxiso kana reebto Juventus tartanka laakiin waxa ku adkaan doonta in ay Juventus garaacdo kulan laba lugood ah sidaas darteed Juventus ayaa ah ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga.


Barcelona Vs PSG:

Shaki la’aan waa kulanka sida weyn isha loogu han doono marka loo eego in uu Neymar ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee Barcelona halka auu Lionel Messi ka hor iman doono koox si weyn loola xidhiidhinayo.

Marka la eego xaalka labada kooxood ee haatan shaki kuma jiro in ay PSG tahay kooxda diyaarka u ah kulanka marka loo eego in ayna jirin meel ay Kooxdu ka jilicsantahay marka loo bar-bar dhigo kooxda Barcelona kuwaas oo si weyn ugu dhibaatoonaysa boosas badan.

Laakiin waxa ay tahay in aan la iloobin in ay koxda Barcelona tahay kooxaha ugu fiican adduunka waliba haysta xiddiga ugu fiican adduunka ahna Lionel Messi waliba kaligiis go’aamin kara kulan marka uu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiican taas oo soo bixista u leexinaysa dhanka kooxda Barcelona.


Sevilla Vs Borussia Dortmund:

Inkasta oo ayna ka mid ahayn kulamada la sugayo hadana waa kulan xiiso leh marka la eego wareegan iyada oo ay ku jiraan kooxo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Sevillia ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay tahay kooxda ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga marka loo eego in Borussia Dortmund bilaa tababare tahay shaqadana ka caydhisay tababarihii ka soo saaray wareega Group-yada.


Real Madrid Vs Atalanta:

Arinta kulankan kuma xidhna Atalanta iyo qayrkeed laakiin waxa ay ku xidhantahay awooda Real Madrid iyo sida ay u ciyaarto kulanka.

Real Madrid ayaa si weyn ugu dhibaatootay champions League iyo guud ahana xilli ciyaareedkan waxana ay sameeyeen khaladaad badan iyaga oo dirqi uga soo baxay wareega Group-yada.

Marka ay ku jirto wakhtigeeda waxa aan odhan karnaa iska ilow Atalanta kooxda Real Madrid ayaana u soo bixi karta wareega xiga ee 8 dhamaadka.

Laakiin Atalanta ayaa ah koox mayal adag waliba dhib ku keeni karta kooxda Real Madrid iyaga oo adeegsanaya qaab ciyaareedkeeda orodka ah kana faa’iidaysanaysa khaladaadka kooxda Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE