Gary Neville Oo Magacaabay Xiddig Man United Ku Dhibaatoonaya Oo Qaab Ciyaareed Fiican Ku Soo Bandhigi Lahaa Liverpool.

Gary Neville Oo Magacaabay Xiddig Man United Ku Dhibaatoonaya Oo Qaab Ciyaareed Fiican Ku Soo Bandhigi Lahaa Liverpool.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in daafaca ku dhibaatoonaya Man United ee Victor Lindelof in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi lahaa Liverpool.

Daafaca reer Sweden ayaa ku dhibaatooday Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Man United sanadkii 2017.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhaw in uu 150 kulan u safto Man United laakiin waxa uu la kulmay dhaleecayn xoogan kadib qaab ciyaareedkii kulankii West Brom.

Laakiin Neville ayaa sheegay in Lindelof qaab ciyaareed fiican ku jiro waliba uu u dhibaatoonayo sabab la xidhiidha dadka ku hareeraysan Man United.

Neville ayaa sheegay in uu Lindelof qaab ciyaareed fiican soo bandhigi lahaa hadii uu Liverpool u ciyaarayo.

“Dhibaatada Victor Lindelof waa Harry Maguire, Dhibaatada Harry Maguire-na waa dhibaatada Victor Lindelof”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Waxan u malaynayaa in hadii uu Lindelof ka garab ciyaarayo Van Dijk una ciyaarayo Liverpool waxa uu noqon lahaa xiddig cajiib ah”ayu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE