Griezmann Oo Farriin U Diray Kylian Mbappe Ka Dib Guul-daradii Camp Nou


Weerayahanka Barcelona ee Griezmann ayaa ammaan kala dul dhacay dhigiisa PSG ee Kylian Mbappe inkastoo guul darro xanuun badan uu xalay u geystay kooxda reer Camp Nou .

PSG ayaa Barca ku garaacday 4/1 waxa ayna sidaas lug ula galeen wareegga 8-a Champion-ka xilli Kylian Mbappe uu dhaliyay sedexleey .

RMC ayuu Griezmann ka yiri” PSG waxa ay haystaan xiddig heerka Messi iyo Ronaldo gaari kara , waxa qasab nagu ah in aan ku raaxeysanno, wallee habeenkiisa ayay aheyd “.

Mar uu ka hadlayay kulanka waxa uu wiilkaas reer France yiri” waa ay inaga sareeyeen , ciyaarta inama aysan dooneyn , aad ayay inooga wacnaayeen”.

” Tani ma aha sawir qurxoon waliba iyadoo Camp Nou la joogo , aan aragno waxa dhaca , dhab ahaan kulan liita ayaan soo bandhignay waxaana qasab nagu ah in aan qaladaadka saxno”.

” Ma niyad jabeyno waxaan isku dayaynaa in aan ka soo kabsanno guul daradaas” ayuu sii raaciyay Griezmann


Source: laacibfm.com

SHARE