Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool Dhalinta Champions League Ka Hor Dib U Bilaabashada Tartanka Wareega 16-ka.


Waxa caawa dib u bilaaban doona wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan kadib bilo aan la ciyaarin tartanka kadib markii laga gudbay wareega Group-yada.

Waxa jira xiddigo wacdaro dhigay wareegii Group-yada tartanka champions League waliba goolal badan dhaliyay uguna horeeya tartanka gool dhalinta.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ayaa dhaliyay 6 gool waxana uu la goolal yahay xiddigaha Alvaro Morata, Marcus Rashford Iyo Neymar.

Dhanka kale xiddigaha Alassane Pléa, Olivier Giroud & Ciro Immobile ayaa dhankooda isku goolal ah waliba wada dhaliyay min 5 gool.

  1. Erling Braut Haaland (Dortmund) 6
  2. Álvaro Morata (Juventus) 6
  3. Marcus Rashford (Manchester United) 6
  4. Neymar (Paris) 6
  5. Alassane Pléa (Mönchengladbach) 5
  6. Olivier Giroud (Chelsea) 5
  7. Ciro Immobile (Lazio) 5
  8. Bruno Fernandes (Manchester United) 4
  9. Youssef En-Nesyri (Sevilla) 4
  10. Cristiano Ronaldo (Juventus) 4
  11. Diogo Jota (Liverpool) 4
  12. Romelu Lukaku (Inter) 4
  13. Mergim Berisha (Salzburg) 4
  14. Ferran Torres (Manchester City) 4
  15. Karim Benzema (Real Madrid) 4


Source: laacibfm.com

SHARE