Javier Mascherano Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Javier Mascherano Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.


Xiddigii hore ee kooxaha Barcelona iyo Liverpool ee Javier Mascherano ayaa Magacaabay Laba Kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa todobadkan soo laabanaya tartanka ugu xiisaha badan ee champions League iyada oo ay isaga hor iman doonaan 16 kooxood oo ku hadhay tartanka.

Javier Mascherano oo ka soo ciyaaray champions League markii uu kubada cagta ku dhex jiray lana soo ciyaaray kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa saadaaliyay 2 koox oo ugu cad-cad ku guulaysiga champions League.

Javier Mascherano oo la hadlaya beIN SPORTS ayaa yidhi”aniga ahaan kooxda ugu cad-cad waa Bayern Munich laakiin sidoo kale waxa ugu cad-cad kooxda Man City”.


Source: laacibfm.com

SHARE