Klopp ” Dad Badan Ayaa Haminayay In Aan Guul Darro Kala Soo Laabano Jarmalka”.

Klopp ” Dad Badan Ayaa Haminayay In Aan Guul Darro Kala Soo Laabano Jarmalka”.


Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa ammaanay ciyaartooyda kooxdiisa oo uu xusay in ciyaar wacan ay soo bandhigeen kulankii Leipzig

Reds ayaa ku soo badisay laba gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champion-ka.

BBC Sport ayuu Klopp ka yiri ” Ciyaarta waxa ay aheyd noocii aan dooneynay , qasab ayayna aheyd in aan badinno”.

” Sidaas oo ay tahay Leipzig waa koox adag waliba ciyaartooydeeda leeyihiin awood jireed hadana si cajiib ah ayaan kubadda uga qabsanay”.

” Ciyaar wacan ayaan soo bandhignay , daafac ahaan waan fiicneyn” ayuu sii raaciyay Klopp

Guushaan ayaa imaaneysa xilli Liverpool sedexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay la kulmeen guul darro

” Isma dhiganeyno waayo kulanka dambe sahal ma noqon doono , wallee dad badan ayaa haminayay in aan guul dareysanno kulankaas” ayuu sii raaciyay tabaabre Klopp


Source: laacibfm.com

SHARE