Maxaa Ka Cusub Xaalada Dhaawac Ee Paul Pogba, War Ay Ka Naxday United Ayaa Laga Helay.


Kooxda Ma United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cabsqi qabto in uu xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba garoomada ka maqnaan karo muddo 2 todobaad oo kale sabab la xidhiidha dhaawac bawdada ah.

Xiddiga reer France ayaa ka maqan kooxda Man United tan ilaa markii uu dhaawacu ka soo gaadhay kulankii ay United bar-baraha la gashay Everton 6 bishan February.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddiga 27 jirka ah garoomada ka sii maqnaan doono muddo 2 todobaad oo kale sidaas darteed seegi doono kulamada Real Sociedad iyo Newcastle United ee Axada.

Pogba ayaa garoomada ku soo laaban kara midkood ka hor kulamada Chelsea iyo Man City ee dhamaadka bishan haatan lagu jiro.


Source: laacibfm.com

SHARE