Neymar Oo Magacaabay Kulanka Ka Midka Ah 3-da Kulan Ee Uu Rajynayay In Uu Ciyaaro.


Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa seegi doona kulanka ay kooxda PSG la ciyaari doonto kooxda Barcelona xiddiga ayaana si weyn uga niyad jabsan in uu seegay ka hor tagista kooxdiisii hore.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa Bogiisa Twitter-ka ku soo qoray kulamada uu aadka u rajaynayay in uu ciyaaro xirfadiisa ciyaareed oo dhan.

“Saddexda kulan ee ugu sareeya ee aan doonayay in aan ciyaaro”ayuu Neymar soo qoray isaga oo raaciyay calaamad muujinaysa oohin.

Neymar ayaa qoraalka uga jeeday in uu ka hor tagista Barcelona ku jirto 3-da kulan ee uu rajyanayy in uu ciyaaro xirfadiisa ciyaareed.

Neymar ayaa dhaawac soo gaadhay waxana uu garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah waxana uu seegi doonaa lugta 2-aad ee Barcelona.


Source: laacibfm.com

SHARE