Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Maqnaan Doona Kulanka Everton?


Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee İlkay Gündoğan uu seegi doono kulanka Everton ee ay Man City la ciyaari doonto Everton.

Xiddiga khadka dhexe İlkay Gündoğan ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Kooxda Man City ayaa habeen dambe la ciyaari doonta kooxda Everton kulan ka tirsan premier League waliba baaqi u ahaa labada kooxood.

Tababare Pep Guardiola oo ka hadlaya shirka ka horee kulanka ayaa yidhi”İlkay Gündoğan wuu fiican yahay laakiin kulanka Everton wuu seegi doonaa”.


Source: laacibfm.com

SHARE