RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Mason Greenwood.

RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Mason Greenwood.


Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga da’yarka ah ee Mason Greenwood kaas oo kooxda sii joogi doona.

Heshiiska cusub ee Mason Greenwood ayaa la macno ah in uu xiddigu kooxda sii joogi doono ilaa xagaaga 2025 iyo waliba hal sano oo dookh ah.

Xiddiga Mason Greenwood ayaa ah xiddig ka soo baxay Akademiyada kooxda waxana uu joogay tan ilaa markii uu 7 sano jirka ahaa.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa kooxda u saftay 82 kulan waxana uuka mid yahay 9 xiddig oo Akademiyada ah oo xilli ciyaareedkan kooxda 1-aad u ciyaaray.

Mason Greenwood ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad u ciyaaray kooxda bishii March 2019 isaga oo badal ku soo galay kulan champions League ah oo ay la ciyaareen PSG.

Xiddiga Mason Greenwood ayaa dhaliyay 21 gool tan ilaa markii loo soo dalacay kooxda 1-aad waxana uu ka mid yahay xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican qaarada yuurb.


Source: laacibfm.com

SHARE