Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Rajada Barcelona Ee Ah In Ay Wareegga 8-da Champion-ka U Soo Baxaan.

Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Rajada Barcelona Ee Ah In Ay Wareegga 8-da Champion-ka U Soo Baxaan.


Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa qiray in ay adag tahay in wareegga 8-da Champion-ka u soo gudbaan xilli ciyaareedkaan

PSG ayaa xalay 4/1 waxa ay ku garaaceen Barcelona oo ay marti ugu ahaayeen lugta koowaad ee wareegga 16-ka

Wargeyska Marca ayuu Ronald Koeman ka yiri ” daafac ahaan aad ayaan u liidannay , PSG jir ahaan aaad ayay wacnaayeen , run ahanatii waa ay naga wacnaayeen “.

” Guuldaradaan aniga ayaa masuul ka ah , waxaan xusayaa in Barcelona ay mareyso xaalad kala guur ah waana isku dayaynaa in aan saxno waxii qaldamay”.

Waxa uu macalinka intaas sii raaciyay” runtii ahaantii in laga soo kabsado guul daro 43/1 ah waa ay adag tahay , fursad yar ayaan u haysnnaa in aan soo baxno

Mustabqalkiisa ayuu ka hadlay” in aad faraxdo marka aad guuleysato halka marka lagaa badiyo aad ka fikirto in aad baxdo waa dabaalnimo”.


Source: laacibfm.com

SHARE