SAADAALIN: Kooxaha Iska Xaadirin Doona Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo La Saadaaliyay


Waxa aan haatan sugaynaa kulamada wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo ay caawa bilaaban doonaa kulamada wareega.

Kulamo xiiso badan ayaa la ciyaari doonaa iyada oo kooxaha reer yurub ay ku dagaalami doonaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega 8 dhamaadka champions League.

Kulamada ugu xiisaha badan ee sida weyn loo sugayo ayaa ah kulamada Atletico Madrid Vs Chelsea, Barcelona Vs PSG iyo kulamo kale oo xiiso leh.

Koox walba oo ka mid ah 16-ka kooxood ee ku hadhay tartanka ayaa u dagaalami doona sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega 8 dhamaadka champions League.

Hadaba ka hor kulamada wareega 16-ka waxa la sameeyay saadaalinta kooxaha u gudbi doona wareega xiga kana gudbi doona wareega 16-ka.


Barcelona Vs PSG:

Kulankan ayaa ah midka ugu xiisaha badan wareega 16-ka champions League waxana isaga hor iman doona laba koox oo ay u ciyaaraan xiddigo fiican.

Inkasta oo uu Neymar ka maqan yahay kooxda PSG hadana kooxda reer France ayaa leh tayo cajiib ah waxana ay u dagaalami doonaan sidii ay kulanka guul uga gaadhi lahaayeen.

Dhanka kale Barcelona ayaa ku jirta wakhti cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo dib u helay qaab ciyaareedka fiican ee xiddigaah Lionel Messi, Griezmann iyo waliba Dembele kuwaas oo dhaawici kara PSG.

Ugu dambayn waxa kooxda PSG loo saadaaliyay in ay natiijo aad u yara ugu gudubto wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.


2.Atletico Madrid Vs Chelsea:

Kulankan ayaa sidoo kale ah kulanaka 2-aad ee sida weyn loo sugayo waana laba kooxood oo haatan ku jira wakhti fiican waliba gaadhay guulo muhiim ah kulamadii ugu dambeeyay.

Hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga ayaa kulmi doonta chelsea oo tababare cusub heshay waliba is badal weyn ka dhacay toodbaadyadii ugu dambeeyay.

Kulankan waxa la saadaaliyay in ay Atletico Madrid iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka tartanka waliba reebto kooxda Premier Leageu ee chelsea.


3.Liverpool Vs RB Leipzig:

Waa kulan ay labada kooxood ee isaga hor imanaya ku jiraan laba xaal oo kala duwan tan ilaa markii uu dhamaaday wareega Group-yada champions League.

RB Leipzig ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican horyaalka Bundesliga iyaga oo guulo muhiim ah gaadhay kulamadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Liverpool ayaa si weyn u dhibaatoonaysa ilaa 6-dii todobaad ee ugu dambeeyay waxana ku habsaday dhaawacyo waali ah oo dhan walba ah.

Marka la eego labad heer ee ay ku kala jiraan labada kooxood waxa la saadaaliyay in ay RB Leipzig garaaci doonto Liverpool iskana xaadirin doonto wareega xiga.


4.Real Madrid Vs Atalanta:

Waa Laba koox oo sida Liverpool & Leipzig ku jira xaal kala duwan iyada oo kooxda Atalanta ku jirto qaab ciyareed fiican kulamadii ugu dambeeyay xitaa iska xaadirisay Final-ka Coppa Italia.

Dhanka kale Real Madrid oo ay sida Liverpool dileen dhaawacyo ayaa dhankeeda ku jirta wakhti isku jir ah iyada oo kulamada qaar badisa mar kalena laga badiyo.

Laakiin waxa la saadaliyay in ay kooxda Real Madrid iska xaadirin doonto wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.


5.Juventus Vs Porto:

Sida iska cad waa kulan hal dhinac u jan-jeeda waana dhinaca kooxda Juventus marka loo eego in ayna labada kooxood isku tayo iyo xiddigo ahayn.

Cristiano Ronaldo ayaa ku laaban doona dalkiisa kulankan waxana la filayaa in uu kooxdiisa si fudud ugu hor seedo wareega 8 dhamaadka tartanka.


6.Sevilla Vs Borussia Dortmund:

Kulankan ayaa ah mid xiiso leh dhankiisa iyada oo ay iska hor iman doonaan laba kooxood oo isku awood ah waliba koox walba reebi karto kooxda kale.

Dortmund ayaa ku jirta wakhti adag kulamadii ugu dambeeyay taas oo faa’iido u ah kooxda Sevilla kuwaas oo dhankooda ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin waxa la saadaaliyay in ay kooxda Borussia Dortmund iska xaadirin doonto wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.


7:Lazio Vs Bayern Munich:

Kulankan ayaa sidoo kale ah mid u jan-jeeda hal dhinac waana dhinaca kooxda Bayern Munich oo ah kooxda difaacanaysa tartanka champions League.

Inkasta oo ay kooxda Lazio tahay koox mayal adag oo aan si dhib yar isku dhiibin hadana waxa la saadaaliyay in ay Bayern Munich iska xaadirin doonto wareega xiga.


8.Borussia Mönchengladbach Vs Man City:

Kooxda Borussia Mönchengladbach ayaa wacdaro dhigay wareegii Group-yada tartanka iyaga oo reebay kooxda Inter Milan laakiin kooxda Man City ayaa ka awood badan dhigooda reer Germany.

Waxa la saadaaliyay in ay Man City si dhib yar isaga xaadirin doonto wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE