Sababtii La Yaabka Lahayd Ee Ay Liverpool Ugu Dhaqaaqi Wayday Saxiixa Dayot Upamecano Oo La Ogaaday

Sababtii La Yaabka Lahayd Ee Ay Liverpool Ugu Dhaqaaqi Wayday Saxiixa Dayot Upamecano Oo La Ogaaday


Dayot Upamecano ayaa xiiso ka helayay kooxo badan oo reer yurub ah ka hor intii uuna ku biirin kooxda Bayern Munich.

Laakiin kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay lahayd sabab gaar ah oo ay isaga diiday in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Dayot Upamecano ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo reer yurub ah muddo sanado ah tan ilaa marki uu kooxda Leipzig ku soo biiray sanadkii 2017.

Kooxda Liverpool ayaa si aad ah ugu baahnayd saxiixa daafac cusub marka la eego masiibada dhaawac ee ku habsatay kooxda xilli ciyaareedkan.

Shabakada Goal ayaa sheegtay in ayna Liverpool xiiso dhab ah u hayn saxiixa xiddiga inkasta oo ay doonaysay saxiixa xiddiga.

Isla shabakada ayaa sheegaysa sababta ayna Liverpool sida dhabta ah ugu dhaqaaqin saxiixa xiddiga Dayot Upamecano tahay booska uu ka ciyaaro.

Dayot Upamecano ayaa ka ciyaara booska bidix ee daafaca dhexe wana booska uu Virgil Van Dijk uga ciyaara Liverpool.

Sidaas darteed Liverpool ayaa go’aansatay in ayna la soo saxiixan xiddig ay isku boos ka ciyaaraan kabtankooda 3-aad ee Virgil Van Dijk.


Source: laacibfm.com

SHARE