Shaxda Ugu Fiican Todobaadkii 24-aad Ee Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.


Man City aya ku sii dhawaanaysa horyaalka premier League kadib guushii ay ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Etihad Staduim.

Man United ayaa dhankeeda bar-baro la gashay West Brom taas oo la macno ah in ay City haatan 7 dhibcood ku hayso hogaanka premier league.

Leicester City ayaa dhankooda garaacay kooxda Liverpool kuwaas oo xaalka ku sii xumeeyay kooxda Difaacanaysa horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa kaalinta 4-aad ka gashay kala saraynta iyaga oo isku dhibco ah Kooxda West Ham.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda garaacday Leeds United halka ay kooxaha Burnley garaacday Crystal Palace Fulham-na garaacday Everton.

Hadaba waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee todobaadkan premier League kadib markii la soo afjaray toodbaadkii 24-aad.

Kooxdaa Burnley ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka ay West Ham ku leedahay 2 xiddig.

Koxoaha Aston Villa, Leicester City, Chelsea, Arsenal iyo Fulham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda.


Source: laacibfm.com

SHARE