Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya & Tartanka Uu U Muuqda Mid Ka Dhexeeya Laba Xiddig.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii dheeraystay gool dhalinta premier League todobaadkii 24-aad ee la ciyaaray horyaalka.
Salah ayaa Leicester City ka dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisu guuldarada la kulantay isaga oo sii dheeryastay rikoodhkiisa gool dhalinta xilli ciyaareedkan.
Waxa dhankiisa wali ku daba dhagan xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes kaas oo dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay West Brom.
Waxa kaalinta 3-aad ku wada jira xiddigaha Dominic Calvert-Lewin, Harry Kane Iyo Son Heung-Min kuwaas oo wada dhaliyay min 13 gool laakiin aan todobaadkan wax gool ah dhalin.
N. | Xiddiga | Kooxda | Xulka | Goolasha |
---|---|---|---|---|
1. |
Mohamed Salah |
Liverpool | Egypt |
17 |
2. |
Bruno Fernandes |
Manchester United | Portugal |
14 |
3. |
Dominic Calvert-Lewin |
Everton | England |
13 |
4. |
Harry Kane |
Tottenham | England |
13 |
5. |
Son Heung-Min |
Tottenham | South Korea |
13 |
6. |
Jamie Vardy |
Leicester | England |
12 |
7. |
Patrick Bamford |
Leeds | England |
12 |
8. |
Ilkay Gündogan |
Manchester City | Germany |
11 |
9. |
Callum Wilson |
Newcastle | England |
10 |
10 |
Ollie Watkins |
Aston Villa | England |
10 |
11. |
Wilfried Zaha |
Crystal Palace | Ivory Coast |
9 |
Source: laacibfm.com