Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Tammy Abraham

Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Tammy Abraham


Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uu ka wal-walsanyahay dhaawaca Tammy Abraham kadib markii uu xiddigu ku dhaawacmay kulankii Newcastle.

Xiddiga reer England ayaa kaliya 20 daqiiqo ciyaaray kulankii Newcastle iyada oo lagu badalay Olivier Giroud.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa umuuqday mid si xun u dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen bilowgii ciyaarta.

Markii wax laga waydiiyay dhaawaca Abraham ayuu Tuchel yidhi”waxa uu ahaa dhaawac halis ah oo sabab u noqday in uu dhamaysan waayay ciyaarta”.

“Waxa aan ka wal-walsanahay dhaawaciisa laakiin waxa aan rajaynaynaa in aanu muddo dheer dhaawac ku maqnaan”.


Source: laacibfm.com

SHARE