Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Diwaan Galiyay Labadii Kulan Ee Champions League.


Waxa la bilaabay wareega 16-ka champions League iyada oo ay laba kulan dheceen kuwaas oo laba koox guushu ku raacday hal lug-na la sii galay wareega xiga.

Kooxda PSG ayaa xasuuqday kooxda Barcelona kulan si weyn loo sugayay iyada oo kooxda reer France u awood sheegatay kooxda garoonkeeda la joogay.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa guul ay laba khalad ka faa’iidaystay ka gaadhay kooxda RB Leipzig iyaga oo wadada guulaha ku soo laabtay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay labada kulanka.

1.Rikoodhii uu Lionel Messi dhaliyay ayaa ahayd rikoodhadii 20-aad ee kooxda Barcelona loo dhigay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waana xilli ciyaareedkii 13-aad ee loo dhigo koox 20 rikoodhe iyo wax ka badan.

2.Lionel Messi ayaa dhaliyay gool sanadkii 17-aad oo xidhiidh ah waxana uu la bar-bareeyay Halyeeyga Real Madrid ee Raul.

3.Kooxda PSG ayaa dhalisay gool xilli ciyaareedkii 20-aad oo xidhiidh ah iyaga oo marti ah kaliya Real Madrid oo 22 kulan oo marti ah gool dhalisay.

4.Kaliya xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowksi ayaa ka goolal badan Mohamed Salah 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub waxana uu dhaliyay 24 halka uu Robert Lewandowksi dhaliyay 30 gool.

5.Sadio Mané ayaa dhaliyay 20 gool dhamaan tartamada yurub isaga oo noqday xiddiga 5-aad ee rikoodhkaas u dhiga kooxda Liverpool.

6.Kylian Mbappe ayaa noqday xiddiga 2-aad ee tartamada yurub 2 gool ka dhaliya kooxda Barcelona kulamada bug baxa kadib xiddiga Ferenc Puskas oo Real Madrid u dhaliyay 2 gool.

7.Kylian Mbappe ayaa noqday xiddigii 3-aad ee tartanka champions League saddexley ka dhaliyay Barcelona kadib Faustino Asprilla Iyo Andriy Shevchenko.

8.Guuldaradii 4/1 ahayd ee soo gaadhay Barcelona ayaa ah markii 2-aad ee xilli ciyaareedan Barcelona lagu garaaco garoonkeeda loogana dhaliyay 3 gool iyo wax ka badan kadib Juventus.

9.Tan ilaa markii uu Jurgen Klopp noqday tababaraha kooxda Liverpool kulankiisii ugu horeeyay ee champions League Reds ayaa shabaqeeda ilaashatay in ka badna koox kasta oo tartanka ah.

10.Xiddiga Liverpool ee Thiago ayaa ku raaxaystay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay champions League waana xiddiga ugu badan taariikhda tartanka isaga oo la mid ah  Javi Martinez (November 2020) & Dani Carvajal (April 2018).


Source: laacibfm.com

SHARE