Alexandre Lacazette Oo Hogaaminaya Liiska Xiddigo Ay Arsenal Doonayso In Ay Iska Iibiso Xagaaga.

Alexandre Lacazette Oo Hogaaminaya Liiska Xiddigo Ay Arsenal Doonayso In Ay Iska Iibiso Xagaaga.


Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa lagu soo waramayaa in uu ka mid yahay Liiska xiddigo ay Arsenal doonayso in ay iska iibiso xagaaga.

Gunners ayaa wajahaysa xaalad dhaqaale xumo oo uu sabab u yahay xanuunka Korona waxana ay wajahaysaa in ay gabi ahaan seegto tartamada yurub ee xilli ciyaareedka dambe markii ugu horaysay 1995.

Arsenal ayaa suuqii January baanka England ka qaadatay amaah lacageed oo dhan 120 milyan oo euro si ay ugu xaliso mushaharada ay kooxdu bixiso.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxdu xagaaga iska diri doonto xiddigo waaweyn oo kooxda ah si ay u fududayso kooxda.

Xiddiga Alexandre Lacazette ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso halka ay sidoo kale diyaar u tahay in ay iska fasaxdo David Luiz si ay mushaharkiisa hoos ugu dhigto.

Xddigaha Lucas Torreira, Matteo Guendouzi ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE