Barcelona Oo Dhigtay Rikoodh Xun Oo Guuldarooyinka Ah Kulankii Ay Ceebtu Kala Kulantay PSG.

Kooxda Barcelona ayaa dhigtay rikoodh xun oo guuldarooyinka ah markii ugu horaysay taariikhdeeda kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee ay kala kulantay kooxda PSG champions League.
Kooxda Barcelona ayaa goolka ku hor martay laakiin waxa uggu dambayn loo dhigay cashar kadib markii ay kooxda PSG 4 gool ugu badashay.
Kadib guuldaradaas kooxda Barcelona aya lagu garaacay garoonkeed kulankii 2-aad oo xidhiidh ah champions League kadib markii ay Juventus kala kulmeen guuldaro kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada.
Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Barcelona guuldaro kala kulantay garoonkeeda laba kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tariikhdeeda.
Source: laacibfm.com