David Alaba Oo La Ogaaday Mushaarka Uu Ka Dalbaday Kooxda La Filayo In Xagaaga Uu Ku Biiro


Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa daboolka ka qaadaya inta uu noqon doono mushaarka garabka Munich ee David Alaba uu ka qaadan dooo Real haddii uu u yimaado .

Alaba ayaa talaadadii daboolka ka qaaday in uu ka tagayo Munich ka dib 12 sano ee uu la joogay kooxdaas xilli uusan daboolka ka qaadin halka uu u cagta uu saarayo .

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Alaba hishiis afka ah uu la gaaray Real waliba uu carbaabayo mushaarka uu doonayo .

Warka waxa intaas ku darayaa in Alaba uu ku war giliyay Real in uu doonayo mushaar dhan 22 milyan oo euro si uu hishiiska u saxiixo

Wargeyska Defence Central ayaa qoraya in laacibkaas Real u bandhigeen in uu saxiixo hishiis gaaraya 4 sano .

Hishiiskiisa haatan ee Munich waxa uu ku siman yahay xagaagaan balse waxa uu awoodaa in uu la sii hihsiiyo kooxda uu doono .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacibkaan lala xariirinayay sidoo kale kooxda Chelsea


Source: laacibfm.com

SHARE