Edinson Cavani Oo Maamulka Man United Ku War Galiyay Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalkiisa Kooxda.

Edinson Cavani Oo Maamulka Man United Ku War Galiyay Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalkiisa Kooxda.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu Man United u sheegay go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa kooxda.

Heshiiska Cavani ee Man United ayay ka hadhsanyihiin 2 bilood kadib markii uu xor ugu soo biiray xagaagii la soo dhaafay.

Xiddiga Edinson Cavani ayaa si fiican ula qabsaday kooxda Man United isaga oo 6 gool u dhaliyay 8 kulan oo premier League ah.

Man United ayaa hal sano ka saxiixatay xiddiga reer Uruguay laakiin waxa ay haysataa hal sano oo dookh ah oo ay ku sii haysan karto xiddiga.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Edinson Cavani maamulka Reds Devils u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ugu yaraan hal sano oo kale sii joogo kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE