Fc Porto Oo Ka Yaabsatay Juventus Guuldarana Dhabarka U Saartay & Dortmund Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Sevilla.

Fc Porto Oo Ka Yaabsatay Juventus Guuldarana Dhabarka U Saartay & Dortmund Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Sevilla.


Kooxda Juventus ayaa dhabarka loo saaray guuldaro lama filaan ah kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Fc Porto.

Kooxda Fc Porto ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay kulanka iyaga oo kooxda Juventus ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Fc Porto ayaa daqiiqadii 2-aad dhalisay goolka 1-aad iyaab oo uu u dhaliyay xiddiga Mehdi Taremi kaas oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay kana dhigay 1/0.

Juventus ayaa dhanka daafaca ka samaynaysay khaladaad taas oo keentay in ay kooxda Fc Porto ka faa’iidaysato cadaadis xoogana sii saarto kooxda tababare Pirlo.

Kooxda Juventus ayay ku adkayd in ay qaadaan weerar wax ku ool ah xilli ay kooxda Fc Porto si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Fc Porto fiicnayd waliba ka faa’iidaystay khaladaadkii ay samaysay kooxda Juventus.

Qaybtii dambe ayay Fc Porto mar kale si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay mar kale gool wakhti hore ah ka dhaliyan kooxda Juventus.

Daqiiqadii 46-aad ayay Fc Porto dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Moussa Marega kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Kooxda Juventus ayaa wax walba u samaysay si ay u dhaliso goolal ay ciyaarta ugu soo laabato laakiin kooxda Fc Porto ayaa si fiican goolkeeda u difaacatay.

Daqiiqadii 82-aad ayay Juventus heshay goolkii ay u dagaalamaysay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fc Porto.

Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sevilla iyaga oo ku garaacay 3/2 kulan xiiso lahaa.


Source: laacibfm.com

SHARE