FIFA Oo Soo Saartay 10-kii Saxiix Ee Ugu Qaalisanaa Suuqii January.


Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saartay 10-kii saxiix ee ugu qaalisanaa ee la sameeyay intii uu furnaa suuqii January ee sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Man United ee Amad Diallo ayaa loo magacaabay saxiixii ugu qaalisanaa ee la sameeyay suuqii Janury ee bilowgii sanadkan.

Xiddiga da’yarka ah ayaa Man United kaga soo biiray kooxda Atalanta waxana uu noqday saxiixa kaliya ee ay kooxdu samaysay suuqii January.

Dhanka kale waxa liiska ku jira xiddiga Chris Smalling kaas oo ka tagay kooxda Man United kuna biiray kooxda Rome intii uu furnaa suuqu.


Source: laacibfm.com

SHARE