Is Badal Ku Yimid Mustaqbalka Sergio Ramos Ee Real Madrid, Maxaa Cusub?


Wargayska Defensa Central ayaa shaaca ka qaaday in uu kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos badalay go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid waliba ku dhawyahay in uu u saxiixo kooxda heshiis cusub.

Heshiiska Ramos ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu shaki weyn ku jiray mustaqbalkiisa.

Daafaca Sergio Ramos ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin kooxaha PSG iyo Man United kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Laakiin wargayska Defensa Central oo ku dhaw kooxda Real Madrid ayaa sheegaya in uu Sergio Ramos ku dhawyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.

Ramos ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday shardigii kooxdiisa si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogayo.


Source: laacibfm.com

SHARE