Kieran Tierney Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Arsenal, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Benfica.


Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara Arsenal ee Kieran Tierney ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka Europa League ee Benfica.

Daafaca Bidix ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa sabab la xidhiidha dhaawac kubka ka soo gaadhay isaga oo seegay 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Laakiin xiddiga 23 jirka ah ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka Europa League ee ay Arsenal khamiista la ciyaari doonto kooxda Benfica.

Si kasta ha ahaatee lama oga in uu xiddigu aam u noqon doono ka qayb galista kulanka Benfica ee tartanka Europa League ee khamiista.


Source: laacibfm.com

SHARE