Kylian Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa PSG Kadib Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Barcelona.

Kylian Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa PSG Kadib Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Barcelona.


Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa sheegay in ay doqonimo tahay in uu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa kadib guushii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Barcelona.

Kooxda PSG ayaa xasuuqday kooxda Barcelona inkasta oo ay Barcelona goolka 1-aad ku hor martay bilowgii ciyaarta kadib markii uu Messi rikoodhe u dhaliyay.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa dhaliyay saddexley waxana wali lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Liverpool laakiin waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda PSG.

Isaga oo la hadlaya RMC ayaa yidhi”Waxa ay noqon doontaa in aan mustaqbalkayga ku go’aamiyo hal kulan”.

“Runta ayaaa ah in ana ka fikirayo mustaqbalka mar walba waxa aan sheegay in aan ku faraxsanahay in aan PSG joogo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE