La Ogaaday: Barcelona Oo Iska Diiday Saxiixa Kylian Mbappe & Xiddigii Sababta U Ahaa Oo La Ogaaday.


Xiddiga Kylian Mbappe ayaa saddexley ka dhaliyay kooxda Barcelona kulankii labada kooxood ee PSG iyo Barceona ku dhexmaray tartanka champions League kana dhacay garoonka Camp Nou.

Waxa laga yaabaa in ay arimuhu ka duwanaan lahaayeen sidaas hadii ay Barcelona la soo saxiixan lahayd xiddiga Kylian Mbappe xagaagii 2017 markii uu xiddigu joogay kooxda Monaco.

Kooxda Barcelona ayaa heshay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga Kylian Mbappe laakiin kooxda ayaa iska diiday iyaga oo ka doortay xiddiga Ousmane Dembélé kaas oo wakhtigaas u joogay kooxda Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa aaminsanayd in uu Ousmane Dembélé ka fiicanyahay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo wakhtigaas soo bandhigay qayb yar oo ka mid ah tayadiisa.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Mbappe doonayay in uu ku biiro kooxda Barcelona waliba wakiilkiisu u soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Laakiin Barcelona ayaa diiday Mbappe iyaga oo u sheegay in ay u dhaqaaqayaan saxiixa Ousmane Dembélé kaas oo ay u arkeen xiddiga kaliya ee buuxin kara booskii Neymar baneeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE