Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Gool Dhalinta Champions League Ah Kadib Guuldaradii PSG.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoodh 10 sano jir ah oo champions League kadib markii goolka kaliya ee ay kooxdiisu dhalisay ka dhaliyay PSG kulankii lugta 1-aad ee wareega 16-ka champoins League.

Kooxda Ronad Koeman ayaa fiican ku bilowday ciyaarta waxana rikoodhe loo dhigay taas oo uu Lionel Messi gool u badalay.

Laakiin Barcelona ayaan ku raagin farxada waxana ay ugu dambayn ciyaarta kala bexeen guuldaro 4/1 ah kulan ay PSG dhan walba ku fiicnayd.

Si kasta ha ahaatee Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoodh isaga oo dhaliyay gool sanadkiisii 17-aad oo xidhiidh ah tan ilaa 2005.

Xiddiga kaliya ee rikoodhkaas kaga horeeyay ayaa ah halyeeyga kooxda Real Madrid ee Raul kaas oo rikoodhkas dhigay intii u dhexaysay 1995 ilaa 2011 markii uu u ciyaarayay Real Madrid iyo Schalke.


Source: laacibfm.com

SHARE