Man United Oo Gabi Ahaan Isaga Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Jadon Sancho & Mason Greenwood Oo Sabab U Ah.

Man United Oo Gabi Ahaan Isaga Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Jadon Sancho & Mason Greenwood Oo Sabab U Ah.


Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay hakisay qorshihii ay ugu dhaqaaqi laheyd weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho ka dib markii ay heshiis cusub ka saxiixdeen xiddiga Mason Greenwood.

Red Devils ayaa seegtay saxiixa Sancho xagaagii la soo dhaafay ka dib markii ay muddo dheer ku raad joogtay iyadoo Dortmund in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonaysay.

Sida laga soo xigtay Daily Express Man United ayaan haatan qorshaynayn in ay xoojiso garabka weerarka sabab la xidhiidha horumarka Greenwood.

Xiddiga reer England ayaa ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu dhawaan qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE