Mohamed Salah Oo Dhaafay Rikoodhkii Goolasha Man United Ee Cristiano Ronaldo


Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaafay rikoodhkii goolasha ee uu Cristiano Ronaldo u dhigay kooxda Man United intii uu joogay Red Devils.

Kooxda Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda RB Leipzig kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa kadib markii uu ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafaca kooxda RB Leipzig.

Goolkaas ayaa dhaliyay goolkiisii 118-aad ee kooxda Liverpool tartamada oo dhan intii uu joogay kooxda Liverpool.

Sidaas darteed Mohamed Salah ayaa dhaafay Cristiano Ronaldo oo intii uu joogay Man United dhaliyay 118 gool muddo 6 xilli ciyaareed ah.

Laakiin Mohamed Salah ayaa goolashaas ku dhaliyay 3 xilli ciyaareed iyo badh tan ilaa markii uu yimid Reds.

Xiddiga Cristiano Ronald ayaa u baahday 292 kulan si uu u dhaliyo 118 gool intii uu joogay kooxda Man United.

Dhanka kale Mohamed Salah ayaa kaliya u baahday 186 kulan si uu u dhaliyo 118 gool.


Source: laacibfm.com

SHARE