Mohamed Salah Oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Real Madrid & Barcelona Iskana Sii Joogo Liverpool & Saddex Arin Oo Sabab U Ah.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Ian Rush ayaa rumaysan in uuna Mohamed Salah ka tagi doonin kooxda Liverpool wakhti dhaw inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Mohamed Salah ayaa fure u ahaa guulaha Liverpool sanadihii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 118 gool 186 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona laakiin Rush ayaa rumaysan in uu salah sii joogi doono Liverpool.

Rush oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay sababaha uuna Mohamed Salah uga tagi doonin kooxda Liverpool.

“Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay Taageerayaashu jecelyihiin Mohamed Salah, sababta kale ayaa ah in uu isagu jecelyahay taageerayaasha halka sababta saddexaad tahay in uuna jirin horyaalka xiiso badan premier League wakhti xaadirkan”.

“Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waa kooxo taariikh leh sida iverpool iyo Man United hadii lala xidhiidhiyo kooxahaaas waxa ay muujinaysaa in uu yahay xiddig cajiib ah laakiin aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in uu Salah sii joogi doono Liverpool.


Source: laacibfm.com

SHARE