Musharaxa Madaxweyne Ee Barcelona Joan Laporta Oo Balan Qaad Ku Saabsan Lionel Messi U Sameeyay Taageerayaasha Barcelona.


Mushaharaxa Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa taageerayaasha kooxdiisa u balan qaaday in uu wax walba u samayn doono sidii uu Lionel Messi ugu sii hayn lahaa kooxda hadii uu madaxweyne u noqdo kooxda.

Joan Laporta ayaa ugu cad-cad in uu noqdo madaxweynaha Kooxda Barcelona waxana uu sheegay in uu Lionel Messi ku sii hayn doono kooxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa xagaagii dalbaday in uu isaga tago kooxda Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Inter, Man City iyo PSG.

Laakiin Joan Laporta ayaa ku kalsoon in uu Lionel Messi ku sii hayn doono waliba heshiis cusub ka saxiixi doono kabtanka kooxda.

“Waxaaan u baahnaan doonaa dalab ciyaareed oo tartan leh”ayuu yidhi.

“Lionel Messi waa guulayste waxana uu doonayaa in ay Barcelona guul gaadho”.

“Wax walba oo suurtagal ah waan u samayn doonaa sidii uu Lionel Messi u sii joogi lahaa kooxda”.

“Waxa jira kooxo badan oo doonaya waxa aan u baahanahay dalab Muhiim ah, lacagtu ma keento koobabka”.


Source: laacibfm.com

SHARE