Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Wakhtiga Uu Paul Pogba Garoomada Ku Soo Laaban Doono.


Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay wakhtiga uu xiddiga khadka dhexee ee Paul Pogba ku soo laaban doono garoomada.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer Ayaa sheegay in uu Xiddiga Paul Pogba garoomada ku soo laaban doono ugu yaraan bilowga bisha dambe ee March kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga Pogba ayaan ciyaarin tan ilaa makrii uu ku dhaawacmay kulankii 3/3 ku dhamaaday ee ay la gashay Everton kana tirsanaa premier League.

Pogba ayaa ka maqnaa kooxdiisa 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay tartamada oo dhan waxana uu wali ka sii maqnaan doonaa kooxdiisa.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Pogba garoomada ka sii maqnaan doono dhawr todobaad oo kale taas oo la macno ah in uu seegi doono kulamada Real Sociedad, Newcastle United iyo Chelsea.

“Paul si fiican ayuu u soo kabsanayaa”ayuu Ole Gunnar Solskjaer yidhi.

“Waxa uu bilaabanayaa daawayntiisa laakiin mar kale ma ciyaari doono bishan haatan lagu jiro, wali dhawr todobaad ayuu maqnaan doonaa”.


Source: laacibfm.com

SHARE