Ozan Kabak Oo Ka Fal Celiyay Guushii Ugu Horaysay Ee Uu La Gaadhay Liverpool.


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ozan Kabak ayaa ka fal celiyay guushiisii ugu horaysay ee uu la gaadhay kooxda Liverpool champions League.

Ozan Kabak ayaa Liverpool aka caawiyay in ay talaabo weyn u qaado 8 dhamaadka champions League kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadheen kooxda RB Leipzig.

Ozan Kabak ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee champions League kadib markii uu Reds ku soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqa January.

Ozan Kabak oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ay ahayd mid ii khaas ah sababta oo ah waa markii ugu horaysay ee aan shabaqa ilaashaday Liverpool”.

“Waxan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaarnay wax walbana u samanay sidii aan guul u gaadhi lahayn waanan ku faraxsanahay guushaydii ugu horaysay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE