Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Rio Ferdinand ayaa sheegay in ay kooxaha Bayern Munich iyo Man City ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Bayern Munich ayaa difaacanaysa champions League waxana ay wareega 16-ka la ciyaari doonaan kooxda Lazio.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Rio Ferdinand ayaa wax laga waydiiyay kooxaha uu aaminsanyahay in ay ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga Champions League xilli ciyaareedkan waxana uu yidhi”Bayern Munich iyo Man City ayaan u malaynayaa”.

“Bayern Munich kuma jirto qaab ciyaareedkii xilli ciyaareedkii hore ee ay cid walba garaaceen laakiin waxa caawinaysa khibrada”ayuu yidhi.

“Lakaiin aniga ahaan Man City ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican waxana ay si aad ah u doonayaan in ay champions League ku guulaystaan xilli ciyaareedkan”.


Source: laacibfm.com

SHARE