Riyad Mehraz Oo Farriin U Diray Arsenal Ka Dib Guushii Everton Ee Horyaalka


Xiddiga Man City ee Riyad Mehraz ayaa ka hadlay guushii xalay ay ka gaareen kooxda Everton

Labada koox ayaa wada ciyaaray kulan horyaalka ah oo horay uga baaqday wareeggii 16-aad waxa ayna City ku badiyeen sedex gool iyo hal xilli Riyad uu shabaqa soo taabtay .

BBC Sport ayuu Riyad ka yiri” heer ciyaareed wacan ayaan ku soo muuqanay , ma wacneyn goolkii naga dhashay balse waxaan u dagaalannay in aynu qaabilin goolal kale”.

” Arinta wacneyd kulankaan waxa ay tahay in aan indhaha iyo dhaq-dhaqaaqa iska fahmeynay aniga iyo Bernado Silva “.

” Guushaan muhiim ayay inoo aheyd si kalsoonida inoogu korarto”ayuu sii raaciyay Riyad oo ay haatan kooxdiisa horyalaka hayso.

” Mar la weydiiyay loolanka horyaalka waxa uu yiri ” ma ogi arintaas , kaliya waxaana haatan ka fikireynaa kulanka Arsenal , waa qasab in aan garaacno”.


Source: laacibfm.com

SHARE