Sheeko Cusub: Kylian Mbappe Oo Sii Saadaaliyay In Ay Kooxdiisu Garaaci Doonto Barcelona Ka Hor Kulankii Xalay.

Sheeko Cusub: Kylian Mbappe Oo Sii Saadaaliyay In Ay Kooxdiisu Garaaci Doonto Barcelona Ka Hor Kulankii Xalay.


Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in uu xiddiga Kylian Mbappe sii saadaaliyay in ay PSG garaaci doonto Barcelona ka hor kulanka inta uuna bilaaban.

Mbappe ayaa ahaa Halyeeyga PSG kulankii PSG isaga oo kooxdiisa ka caawiyay guul weyn oo ay ka gaadhay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa Champions League.

Pochettino ayaa sheegay in uu Mbappe u sheegay in ay garaaci doonaan Barcelona ka hor intaa inta ayna bilaaban ciyaartu.

“Shalay intii aan tababarka waxa uu ii waydiiyay intii kulan ee aan horay ugu badiyay Camp Nou”ayuu Pochettino yidhi.

“Waxa aan u sheegay, Hal mar, waxana uu iigu jawaabay”Bari waxa aan ka dhigi doonaa kulankaagii 2-aad ee aad ku badiso Camp Nou”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE