Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Kooxda KA Caawinaya Saxiixa David Alaba.

Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Kooxda KA Caawinaya Saxiixa David Alaba.


Daafaca kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa qirtay in uu si joogto ah ula xidhiidho daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba xilli uu isku dayayo in uu daafaca ku qanciyo in uu ku soo biiro Blues xagaaga.

David Alaba ayaa xaqiijiyay in uu ka tagi doono kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda reer Germany.

Alaba ayaa lala xidhiihinayaa kooxo dhawr ah oo reer yuurb ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Bayern Munich.

Daafaca Antonio Rudiger Ayaana sheegay in uu haatanba la xidhiidhay Alaba si uu ugu qanciyo in uu ku biiro Blues dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Hadii ay chelsea go’aansato in ay u dhaqaaqdo saddex xiddig oo bartilmaameed ah, waxa aan diyaar u ahay in aan ka caawiyo”ayuu Antonio Rudiger U sheegay wargayska Bild.

“Si fiican ayaan u garanayaa Jerome iyo Niklas waxana aan haatanba la hadlay David Alaba”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE