Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Wareega 16-ka Champions League Oo La Shaaciyay.


Xiddiga kooxda Barcelona ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay Barcelona guuldarada kala kulantay PSG tartanka champions League kana tirsanaa wareega 16-ka.

Lionel Messi ayaa goolkaas ku noqday xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay wareega 16-ka champions League kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 28-aad.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 26 gool oo wareega 16-ka ah tartanka champions League.

Waxaku xiga xiddigaha isku kooxda ah ee Thomas Muler iyo Robert Lewandowski kuwaas oo labadooduba dhaliyay min 12 gool wareega 16-ka champions League.

Laakiin kooxda.com ayaa xusaysa in ay goolasha xiddigaha Robert Lewandowski, Thomas Muler iyo Cristiano Ronaldo is badali karaan maadama ayna wali kulamadii wareegan ciyaarin wali.


Source: laacibfm.com

SHARE