Arsenal Oo Doonaysa In Ay Qaab Toos Ah Ula JWareegto Laba Xiddig Oo Amaah Kula Jooga Kooxda.


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddigaha amaahda kula jooga ee Dani Ceballos & Mathew Ryan marka la gaadho suuqa xagaaga.

Ceballos ayaa Arsenal ku soo laabtay xagaagii isaga oo amaah kale ugu soo biiray kooxda xiddiga 24 jirka ah ayaana qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda isaga oo 25 kulan u saftay tartamada oo dhan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga xagaaga kuna iibiso 22 milyan oo euro.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Gunners doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe sidoo kale waxa ay doonayaan saxiixa Goolhayaha Brighton ee Mathew Ryan kaas oo kooxda amaah kula jooga.

Goolhayaha 28 jirka ah ayaa kooxda u saftay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa Bilowgii bishan haatan lagu jiro.


Source: laacibfm.com

SHARE