Barcelona Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Iska Diiday Saxiixa Kylian Mbappe.


Kooxda Barcelona ayaa ka hadashay xaqiiqada warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay ee ahayd in ay Barcelona iska diiday saxiixa xiddiga Klian Mbappe ka hor intii uuna ku biirin kooxda PSG.

Waxa dhawaan qarxiyay sheekada in ay Barcelona iska diiday saxiixa Kylian Mbappe wakiil caan ah isaga oo sheegay in ay kooxda Barcelona ku dhawayd saxiixa Mbappe xagaagii 2017 ka hor intii uuna ku biirin kooxda PSG.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa wargayska Mundo Deportivo u sheegay in ayna kooxda Barcelona gabi ahaan xiiso u qabin saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu doorbiday in uu sii joogo horyaalka France waliba doortay in uu ku biiro kooxda PSG.

Sidaas darteed ayna wax talaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga Mbappe una dhaqaaqday saxiixa xiddiga Ousmane Dembélé.


Source: laacibfm.com

SHARE