Halyeeyga reer Italy ee Antonio Cassano aya weerar ku qaaday xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kulankii ay Juventus guuldarada 2/1 ah kala kulantay kooxda Porto champions League.

Xiddiga Federico Chiesa Ayaa dhaliyay goolka ay Juventus dhalisay kulankii ay Juventus guuldaradii 2/1 ah kala kulantay kooxda Porto.

“Mar walba waxa aan sheegay in uu Cristiano Ronaldo yahay xiddig fiican”ayuu Cassano yidhi.

“Waxa laga yaabaa in uu dhaliyay goolal badan laakiin haatan waxa uu dhibaato ku yahay kooxda Juventus”.

“Mar walba waa bakhayl, wax dan ah kama lahan in ay cid kale gool dhaliso kaliya waxa uu u noolyahay in uu isagu gool dhaliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE