Chelsea Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Southampton

Kooxda cheslea ayaa war fiican ka heshay tababarka ka hor kulanka Southampton kadib markii ay tababarka buuxa ku soo laabteen xiddigaha Kai Havertz iyo Thiago Silva.

Xiddiga Havertz ayaa wakhti adag ku qaadanaya Chelsea xilli ciyaareedkan kadib markii uu lacagta badan ugus oo wareegay kooxda xagaagii.

Xiddiga ayaa dhaawac kaga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda Arsenal isaga oo kaliya 2 kulan u ciyaaray tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

Silva aya dhanka kale dhaawac muruqa ah ku seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay waxana uu haatan ku soo laabtay tababarka ka hor kulanka Southampton.


Source: laacibfm.com

SHARE