Dib U Eegid: Man United Oo Bar-Baraysay Rikoodh Ay Chelsea Ka Dhigtay Tartamada Yurub.


Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa warega 32-ka tartanka Europa League.

Goolal ay dhaliyeen Burno Fernandes (2), Marcus Rashford iyo Daniel James ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul weyn.

Kadib guushaas kooxda Man United ayaa gaadhay guushii ugu weynayd ee ay kooxd England ah ka gaadho koox Spain ah iyaga oo marti ah tartamada yurub.

Sidaas darteed Man United ayaa bar-baraysay rikoodhkii ay chelsea ka dhigtay tartamada yurub kadib markii ay 4/0 ku garaacday koox reer Spian ah kulan champions League ah oo wareega Group-yada ahaa kadib markii ay garaacday kooxda Sevilla.


Source: laacibfm.com

SHARE